Xarunta M Health Fairview, qof kasta waa lagu soo dhaweynayaa. Weynu ognahay in wararka ku saabsan askarta dhex joogta Minnesota ay dad badan u keeni karaan walwal mise jahwareer. Cusbitaalladeenna iyo rugahayaga waa meelo ammaan ah oo dadka oo dhami daryeel ka heli karaan, iyadoo aan loo eegin cidda ay yihiin mise halka ay ka soo jeedaan.
- Waxaan raacnaa xeerar adag oo asturnaan ah
- Waxaan ilaalinaa macluumaadkaaga
- Waxaan qof walba ula dhaqannaa sharaf, naxariis, iyo ixtiraam
Ballanqaadkayagu inaan ku daryeelno ma aanu isbedelin – abid, gaar ahaan waqtiyada aan hubanti la'aanta.
Siyaasadaha muddada dheer ee Fairview ayaa hagaya sida aan uga falcelino marka askar ay joogaan, oo ay ku jiraan Askarta Socdaalka iyo Xuduudaha (Immigration and Customs Enforcement, ICE). Siyaasadahayagu waxaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo asturnaanta bukaanka, badbaadada, iyo helitaanka daryeelka, iyadoo la raacayo shuruucda khuseeya. Fairview waxaa looga baahan yahay inay raacdo dhammaan sharciyada khuseeya marka ay daryeelayaan bukaannada yimaada goobahayaga daryeelka kuwaasoo askartu xireen.
Ogow:
- Ma aynaan ogolin in ICE xarumahayaga ku ag wareegaan iyadaoo aan haysan dukumeentiyo sharci oo sax ah[A1.1]
- Lama wadaagno askarta macluumaadka bukaanka mise shaqaalaha iyagoo aan haysan dukumeentiyo sharci oo sax ah oo Fairview ku waajibinaya si ay sidaas u sameeyaan
- Waxaanu ilaalinaa asturnaanta bukaanka sida uu u qabo sharciga caafimaadka
- Waxaanu bixinnaa daryeel iyadoo aan loo eegin xaaladda socdaalka
- Shaqaalahayagu waxay u carbisanyihiin inay raacaan habraacyo cad si loo hubiyo in daryeelka, badbaadada, iyo asturnaanta la ilaaliyay
Rugahayaga iyo cusbitaalladeenna weli waa meelo ay dadku daryeel u raadsan karaan iyagoo aan baqin. Xitaa waqtiyada hubanti la'aanta – gaar ahaan waqtiyada aan la hubin – ballanqaadkaas isma beddelo.
Su'aalaha Badanaa la Isweydiiyo
Waxaa kordhay dhaqdhaqaaqa ICE. ee gobolkayaga. Weynu ognahay in dad badan ay ku keeni karto baqdin iyo jahwareen. Iyadoo xitaa hawlgalkan jiro, hadafkayagu waa isla meeshii: waxaan u daryeelnaa qof walba si sharaf, naxariis, iyo ixtiraam.
Mararka qaar askarta — oo ay ku jiraan ICE — waxay soo gali karaan gudaha cusbitaal mise rug caafimaad, tusaale marka bukaan ay xirteen u baahan yahay daryeel caafimaad. Haddii taasi dhacdo, shaqaalahayagu waxay raacaan xeerar iyo tallaabooyin cad si ay qof walba u badbaadiyaan. Uma ogolaano ICE mise cid kale oo askarta kamid ah inay galaan goobaha bukaanka gaarka ah marka laga reebo inay lagama maarmaan u tahay daryeelka bukaanka, sida marka bukaan askarta u xiran u baahan yahay daryeel mise ay jiraan dukumeentiyo sharci oo ku habboon oo u baahan taas. Haddii bukaanku yimaado isagoo u xiran ICE, sida hay'adaha kale ee askarta, waxay joogi doonaan inta bukaanku helayo daryeel.
Maya. Lama wadaagno macluumaadka bukaanka mise shaqaalaha ICE mise hay'ad kasta oo askarta kamid ah ilaa ay na tusaan amar sax ah mise sharcigu rabo. Waxaan raacnaa xeerar adag oo asturnaan ah, oo ay ku jiraan Xeerka Isla-Xisaabtanka iyo Huftaanta Caymiska Caafimaadka (Health Insurance Portability and Accountability Act, HIPAA), si loo ilaaliyo macluumaadkaaga.
Maya. Waxaan daryeel siinaa qof kasta oo albaabadeenna soo gala. Mar walba waad imaan kartaa cusbitaalladayada iyo rugaha caafimaadka si aad u hesho caawimaad adigoon baqin.
Haddii qofka aad jeceshahay uu ku jiro gacanta booliska oo uu ka helayo daryeel bukaan-socod ah rugta caafimaadka ama waaxda xaalada degdegga ah (ED), looma oggola inay dadka soo booqdaan. Bukaannada isbitaalka muddo dheer joogay waxaa loo oggol yahay in la soo booqdo sida uu go’aansado sarkaalka kormeerka sharciga.
Inta badan, haa. Farmashiyeyaasha badanaa waxay u oggolaadaan saaxiib lagu kalsoon yahay, xubin qoyska ah, ama daryeelaha inuu kuu soo qaado daawada.
Waxaa laga yaabaa in la weydiiyo magaca bukaanka iyo taariikhda dhalashada, mararka qaarna saxiix ama aqoonsi sawir ah. Daawooyinka qaarkood, gaar ahaan maadooyinka la xakameeyo, waxaa loo baahan karaa aqoonsi dheeraad ah.
Haa. Farmashiyeyaashu waxay isticmaali karaan garasho xirfadeed si ay u go’aansadaan in la sii daayo daawada ay habboon tahay. Haddii ay jirto dhibaato, weydii wixii macluumaad dheeraad ah ee loo baahan yahay ama haddii ikhtiyaar kale la heli karo.
Haa. Farmashiyayaal badan ayaa bixiya daawooyinka lagu diro boostada. Tusaale ahaan, Fairview Pharmacy waxay bixisaa ku gaynta boostada daawooyin badan, taasoo yareyn karta ama baabi’in karta baahida loo qabo in farmashiyaha si toos ah loo booqdo. Helitaanku wuxuu ku xiran yahay daawada, ku gaynta boostadu waxay qaadataa waqti, sidaas darteed waxaa fiican inaad weydiiso shaqaalaha dalabka boostada waxa u qalma iyo inta ay qaadan doonto inay ku soo gaarto.
Waxaad ka bilaabi kartaa adigoo wacaya 612-672-5261 ama 1-866-377-6245 (wicitaanku waa bilaash) si aad ula hadasho wakiil ama aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada boostada ee Fairview Pharmacy.
Dib-u-buuxinta waxaa lagu dalban karaa telefoonka, ku soo diraya foomka dib-u-buuxinta ee ku lifaaqan shixnadaada, barta onlaynka ah fairview.web.medrefill.org, ama adigoo adeegsanaya abka moobilka ee MyFairviewRx.
Badbaadadaadu waa mudnaanta koowaad. Kooxahayagu waxaa loo carbiyay waxa la sameeyo haddii ICE ay joogto. Waxay raacaan siyaasado muddo dheer jiray oo loogu talagalay in daryeelka loo ilaaliyo si gaar ah oo ammaan ah. Hogaanaka cusbitaalka waxay la socdaan xaaladda si ay u helaan macluumaad cusub waxayna la wadaagaan wararka shaqaalaha si loo hubiyo in qof walba uu ogaado cidda ay tahay inay la xiriiraan si uu taageero u helo. Haddii aad walwalsan tahay, shaqaalahayagu waxay halkan u joogaan inay ku taageeraan oo ka jawaabaan su'aalahaaga.