Helitaanka Luuqadda iyo Xuquuqda aad u leedahay Daryeelka Tayada
Bukaan kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku helo adeegyada daryeelka caafimaadka luuqad uu fahmayo. Waa muhiim inaad awood u yeelatid inaad waydiiso su'aalo, walacaada mujiso, oo aad si wax ku ool ah ula xiriirto dhakhaatiirtaada iyo kooxdaada daryeelka caafimaadka. Midaas waa sababta M Health Fairview u bixiso adeegyo turjumaad bilash ah iyo caawimada isgaadhsiinta 24 saacadood maalintii, todobada maalmood ee todobaadkii. Waad codsan kartaa turjubaan:
- Marka aad balan qabsaneyso
- Wakhti kasta kahor balantaada
- Marka aad timaado goobta aad ku leedahay balanta
- Markaad u sheegto xubin shaqaale wakhti kasta inta lagu jiro ballantaada inaad jeceshahay adeegyada turjubaanka.
Siddee ayay u shaqeysaa
Adeegyada turjubaanka waxaa lagu heli karaa si bilash 24 saacadood maalintii, todobada maalmood ee todobaadkii. Turjubaano oo kula joogayo, qadka telefoonka, iyo muuqaal ah ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Adeegyada turjubaanka taleefoonka iyo muqaalka ayaa diyaar u ah baahida ku dhawaad 250 luqadood iyo lahjadood.
Adeegyada turjubaanka ee shakhsi ahaan kula joogayo ayaa diyaar u ah luuqadaha soo socda:
- Isbaanish
- Soomaali
- Hmong/Lao
- Oromo/Amxaari
- Karen
- Luuqada Dhagoolaha ee lo yaqano ASL
- Luuqada Ruushka
- Fiidnaamiis
- Luuqada Cambodia
- Luuqadaha kale waxaa lagu heli karaa qab codsi ah
Waxa sido kale aan bixinaa caawimo isgaarsiineed oo dheeri ah, adeegyada turjumaada eray erayga ah ee waqtiga-dhabta ah, iyo adeegyada fasirada agabka waxbarashada ee bukaanka.
Marka booqashadaada koowaad ku samayno, waxaan ku weydiin doonaa luqadda aad doorbideyso iyo haddii aad u baahan doonto adeegyada turjumaanka. Marka baahiyahaaga turjubaanka ay ku jiraan chart, waxaanu kuu diyaarin doonaa adeegyo turjubaan booqasho kasta.
Adeegyada dadka maqalka la'a iyo kuwa dhegaha culus
Waxaan siinaa turjubaano luuqada dadka dhagaha leh oo shahaado haysta ama CART leh bukaanada dhegaha la', araga iyo maqalka la', ama maqalka ku culus yahay. Aaladaha isgaadhsiinta waxa lagu heli karaa si bilaash ah marka la codsado. Haddii aad rabto adeegyadan, fadlan u sheeg xubin kasta oo ka mid ah shaqaalaha M Health Fairview oo u sheeg waxa aad rabto.
Dhukumiintiyada & Xeerarka Lagu Heli Karo Luuqadaada
Waxaa laga yaabaa inaan kuugu turjunay dhukumiinti luqadaada aad dooratay. Fadlan hoos ka hel.